WARARKA SOOMAALI

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururkii Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe Macalin Maxamuud ayaa Maanta doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdisamed Macalin ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#139 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxaana Cabdisamed Macalin u tanaasushay Xamdi Cali Shire oo la tartami laheyd.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Cabdisamed Macalin oo loogu coddeeyay cod gacan taag ah  uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#139, wuxuuna helay Codad gaaraya 101 Cod oo ay siiyeen dhammaan ergada doorashada.

Doorashada kuraas kale oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla Maanta lagu qabanayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka
To Top