WARARKA SOOMAALI

Qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhaceysa Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa Maanta qabanaya doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, kuna metalaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadoodu dhaceyso ayaa waxa kala yihiin HOP049 oo dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, kursiga HOP051 ayaa waxaa ku fadhiyey Xasan Macalin Maxamuud.

Sidoo kale kursiga HOP139 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo u wareegay dhanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo kursiga tirsigiisu yhay HOP061 oo uu ku fadhiyo Cabdiweli Maxamed Qanyare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhaceysa Galmudug
To Top