WARARKA SOOMAALI

C.raxmaan C.shakuur “Waxaan ka Cabsi ka qabaa in lay xidho, Hadii Mucaaridkii Itoobiya la xidhay”.

Muqdisho ( HM) Siyaasiga Mucaaridka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xalay ka jeediyey Khudbad munaasibad Xisbigiisu ugu dabaal degaya 1-da Luulyo, ayaa ka hadlay arimo kala duwan.

HALKNA KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha itoobiya uu Xidhay Hogaamiyaha Mucaaridka ah ee Oromada dalkaasi Jawar Maxamed, Wuxuuna Xukuumadda Soomaaliya ku duray inay qaado tallaabooyinka itoobiya qaado, oo hada isaga loo soo socdo.

“Abiy markii muddo kororsiga samaynayey, islaantii aqalka sare ayuu tuuray, waa wax hada lagu hayo cabdi xaashi, Hadana mucaaridkii ninkii ugu waynaa waa la xidhay, Bal ha layga war qabo, in la is gaado ayaa dhici kartee”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top