WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Axmed Madoobe digey mudo kororsi loo sameeyo Dowladda Madaxweyne Farmaajo-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo oo ka dhacday Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo soo hadal qaaday qorshaha la doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo dowladda hada jirta ee muddo xileedkeedu gabaabsiga yahay.


Axmed Madoobe ayaa ka digay muddo kororsiga uu wado Guddiga doorashooyinka Qaran, waxaana uu xusay in Dastuurka uu dalka kala hago, in la ilaaliyo ay qasab tahay, isla markaana Soomaaliya aysan joogin xilli uu qofka dhihi karo anaa idhi, ayna Soomaaliya maanta intaan ku soo gaadhay wadatashi.

Waxaa uu sheegay in hababkii doorasho ee ay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka uu muujinayo inay xitaa u diyaarsaneyn, isla markaana laga rabay in doorashada diyaar garowgeeda ka soo bilaabaan sanadihii 2018 iyo 2019, isla markaana 2020 ay keenaan iyagoo wax walba dhameystiran yihiin.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka xilliga ay soo bandhigtay in doorasho lagu qabanayo aanu waqtigeedu gaareyn, maadaama uu xilkeeda ka dhamaanayo, isla markaana iyada, baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay ka shaqeynayaan muddo kororsi.

“Haddii sida maanta wax u jiraan oo aan sidii shalay lagu kala wareegay aan lagu kala wareegin inay dhibaatada sii soconeyso”ayuu yiri Axmed Madoobe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar uu ka hadlayay xilligii dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh ayuu xusay inay jirtay mar laga fikirayay muddo kororsi loo sameeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka, hase ahaatee Xasan Sheekh uu qaatay go’aan adag, isla markaana ku adkeystay in doorashada ay dhacdo, oo ay ku xiran tahay dalka degenaanshihiisa.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa shardi inuu garto shaqada uu leeyahay xeer dejinta, ma ahan shaqada uu leeyahay midda fulinta iyo waxyaabaha uu maanta ku dhaqmayo, dalkaan xasiloonidiisa waxay ku jirtaa waxa dastuurka uu qorayo in lagu dhaqmo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Banaadir ayuu xusay in waji qabiil loo raadinayo arrinta matalaada Gobolka Banaadir oo la doonayo in la iska horkeeno Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Muqdisho ay mudan tahay inay hesho maqaam, ayna mudan tahay Matalaad ku yeelato Aqalka Sare, ayna yeelato Gole Deegaan, sidoo kalena ay mudan tahay in aanay yeelan Duq Magaalo oo la soo magacaabo

“Muqdisho waa caasimadii Qaranka waxaana in badan ku dadaalnay in la qeexo maqaamka caasimadda iyo in la siiyo matalaad shacabka ku dhaqan. Waxay caasimaddu u baahan tahay in ay hesho waxa ay u qalanto mana aha in aan la dooranin madaxda matasha oo mar walba loo soo magacaabo duqa magaalada. In waji qabiileed loo sameeyo su’aasha matalaadda caasimadda waa arrin iska hor keenaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa la isku hayo waa in arrinkan loo maro wadada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan”ayuu yidhi.

Xigasho: Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top