WARARKA SOOMAALI

Burundi oo shaacisay inay Somalia kala baxday Ciidamada ugu badnaa

Dowladda Burundi ayaa shaaca ka qaaday inay bishaan December ee sanadkaan sii dhammaanaya ee 2023 ay gudaha dalka Soomaaliya kala baxday ciidamadii ugu badnaa oo qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi ayaa lagu caddeeyay inay Soomaaliya kala baxeen wixii ka danbeeyay 23-kii bishaan December ciidamo gaaraya ilaa 734 askari, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda.

Ciidanka ayaa markii ay dib ugu laabteen dalkooda waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah Bujumbura kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Burundi, ugana mahadceliyay howlgalkii ay kasoo qeyb qaateen.

Ciidamada Burundi ayaa qeyb ka ah kuwa  ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee Somalia ka howlgalayay tan iyo 2007-dii, waxaa socda wajiga labaad ee qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale sanadka 2024 marka uu dhammaado waxaa qorshuhu yahay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka baxo askariga ugu danbeeya ee ajanabi ah si ay amnigooda dib ula wareegeen ciidamada duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Burundi oo shaacisay inay Somalia kala baxday Ciidamada ugu badnaa
To Top