WARARKA SOOMAALI

Axmed Karaash oo soo dhaweeyay Go’aan ay soo saareen Isimada Puntland

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay, kadib Qoraal uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee uu leeyahay.

Axmed Karaash ayaa sheegay inuu si buuxda usoo dhaweeyay in doorashada ka dhaceysa Puntland ee Xildhibaanada lagu galo 49 Mudane, isla markaana la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganada SSC-Khaamuto soo saareen.

Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash ayaa tilmaamay in uusan marnaba aqbali doonin in  17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanada SSC-Khaatumo sifo kasta haku yimaadeen, isagoo ka digay talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro.

Hoos ka Akhriso Warka uu soo saaray KMadaxweyne Karaash.

Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.

Axmed Karaash oo soo dhaweeyay Go’aan ay soo saareen Isimada Puntland
To Top