WARARKA SOOMAALI

Baaq Nabadeed Jaaliyadda Bahararsame iyo Khayr Cabdi ee Australia.

Haddii aannu nahay qurba joogga reer Australia ee Khayr Cabdi

iyo Bahararsame, waxaan cambaaraynanaa falkii foosha xumaa ee u dambeeyay dhibaatadii aloosnayd ee ka dhacay magaalada Laascnood, waxaanna halkan tacsi tiiraanyale uga diraynaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Jamaac Cabdiwali Sayid oo gacan ka xaqdaran dishay.

 Intaa kadibna, markii aannu wax iska waydiinay dhibaatada mudda dheere ka dhex aloosnayd labada beelood ee walaalaha ah, waxaan islaqaadanay in aysan sinaba uusan u siisoconkarayn dhibkani.

Waxaan soojeedinanaa in dhibkan oo aan caqliyad ku dhisnayn, kana fog waxa ay diinteenna suuban ina farayso ayna tahay camal shaydaan in la joojiyo, loona dhego nuglaado dedaalka ay hormuudka ka yihiin culimada Alle haw fududeeyee. Waxaan leenahay waa in Alle lootoobad keeno, lana joojiyo wax kasta oo nabadda danqaabi kara, sida ficil, weedh, maal lagu bixiyo si dabkan uu u siihuro taas oo aannu u soojeedinayno dhammaan labada beelood qurbo joog iyo gudo joogba. Waxaannuna taageersanahay baaqii iyo qodobaddii  ka soobaxay jaaliyada labada beelood ee UK. Waxaan talo ku soojeedin hoostana ka xariiqannaain si loohelo nabad buuxda iyo walaaltinimo in ladilo ninkii nin dila taas oo horseedi doonta wanaag idilkii.

>  1.abdi xaaji hiirad warsame
> 2.abdi gaas faraxdheere
> 3.mahamed osman fagagan
> 4.abdullahi abdi sheikhdoon
> 5.abdullahi ahmed ismail
> 6.abdul abokor osman
> 7.muqtaar faarax gadhle
> 8.bare mahamed faaraxdheere
> 9.ali abdullahi ali qawdhan
> 10.ahmed nuur abdule shiidaad
> 11.abdirahman ali diiriye
> 12.jamac mahamed hassan
> 13.abdirahman jama good
> 14.mahamed abdule shiidaad
> 15.ahmed mohamed xaaji hassan
> 16.ahmed abdi aligaas
> 17.ali mohamed xaaji duale
> 18.adan osman tuke
> 19.abdirisaaq warsame nuur
> 20.abdisahal mahamed hassan
> 21.abdirisaaq hassan abdi
> 22.ciise mohamed hassan
> 23.ali ahmed saleebaan
> 24.jama mahamed awibraahim
> 25.siciid abdi hiirad
> 26.awil abdirahman abokor
> 27.alidhuux hiirad xaaji warsame
> 28.mohamed abdirahman abokor
> 29.mohamed husein
> 30.mohamed adan guursade
> 31.mohamed warsame
> 32.adan mohamed abdullahi
> 33.abdullahi dhayliqe

> 34.ibraahim hassan ilmi

> Cali Badmaax
> 35.mohamed shiine nuur awjibril

> 36 Maxamed Axmed Bulxan

 

Allah ayaa Mahadle…

SOMALI NEWS

To Top