WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Madaxweyne Farmaajo bogaadiyey.

Dhuusamareeb ( HM)-Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa goor dhowayd ka furmay magaalada Dhuusamareeb, Waxaana sidoo kale isla shirkan laga Akhriyey go’aanadii kasoo baxay Kulamadii dhacay,  Waxaana sidoo kale khudbado madasha ka jeediyey Madaxda shirka qayb gashay.

Madaxwayneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf uu kala dhexeeyay DFS ayaa Bogaadiyey Madaxwayne Farmaajo, waxayna sidoo kale xuseen inuu meesha ka baxay Khilaafkii kala dhexeeyay DFS.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in taag taaggii (Khilaafkii) ku kala dhex jiray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleeyada uu meesha ka baxay, isagoo sheegay in la joogo xilligii Midnimada, waxaana uu uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo muujiyay dulqaad iyo odaynimo.

“Annaga iyo Dawladda Federalka waa naloo kala sheekeeyey, taasina caawa meesha waa ka baxday”. Ayuu raaciyey hadalkiisa siciid deni.

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe oo Hadal ka jeediyey Shirka ayaa yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha DFS, Farmaajo oo ah shakhsiga hoggaamintiisa iyo dulqaadkiisa aynnu halkan kuwada fadhino”.

Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo Madasha ka hadlay ayaa yidhi “Caawa waa habeen taariikhi ah oo aan wada kulanay , waxaa sharaf ah in madaxweyne farmaajo iyo kheyre ay ajiibeen codsigii maamul gobaleedyada, oo shirka ay joogaan ,waxaan xaaladaan aan ugu bixi karnaa midnimo, wadajir iyo tanaasul”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo wejiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb 15-ka bisha soo socda ee Agoosto uga furmi doono Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo DFS magaalada Dhuusamareeb.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top