WARARKA SOOMAALI

Askari mooto Bajaajle ku toogtay xalay Muqdisho iyo Mudaharaad ka dhacay,wadooyinka oo xidhan..

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool oo ku taalla wadada shaqaalaha ayaa xalay si bareer cad ah u toogtay wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka Daarushifa, balse markii dambe ayuu u geeryooday dhaawicii soo gaaray.

Dhalinyaro Mooto Bajaajlayaal ah oo falkan ka jawaabayay ayaa Banaanbax ka dhigay wadada Maka Al-mukarama, taasi oo keentay in Askariga gacanta lagu soo dhigo, laguna xiro saldhiga degmada Waaberi.

Intaasi kadib dhalinyaradii oo aanan ku qanacsaneyn in Asariga uu ku xirnaado saldhiga degmada ayaa dalbaday in la geeyo xarunta dambi baarista ee CID-da, ugu dambeyna Hay’adaha ammaanka ayaa aqbalay codsiga, halkaasi oo hada lagu baarayo Askariga.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.

SOMALI NEWS

To Top