WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ay u fuliyeen qaab yaab leh ku dilay Ciidamo ka tirsan DFS

Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka waqooyi ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askarta la weeraray, waxaana la xaqiijiyay inay goobta ku dhinteen ilaa 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku sugnaa barta koontarool.

Ragga ka tirsan Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Ciidamada ayaa iska soo dhigay dad shacab ah, isla markaana soo raacay gaari shacab ah, kadib markii ay yimaadeen koontaroolka ay ku sugnaayeen Ciidamada mar qura rasaas xoogan ku bilaabay Ciidanka

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan degmadaas oo ay uga hadlayaan weerarka khasaaraha dhaliyey ee dhacay duleedka Waqooyi ee degmada oo kamid ah meelaha laga ilaaliyo Magaalada

Si kastaba qarax miino ayaa todobaadkii hore ka dhacay Maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay dad ku sugnaa maqaayadda la qarxiyey.

Al-shabaab oo weerar ay u fuliyeen qaab yaab leh ku dilay Ciidamo ka tirsan DFS
To Top