WARARKA SOOMAALI

Laamaha Ammaanka oo gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo Dil geystay

Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Bukhaari ayaa kulan ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka ammaanka Gobolkaas ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amniga gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen rag hubeysan oo maleeshiyaad oo shalay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas ku dilay laba qof oo shacab ah.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Mudug Cali Muuse Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga la shaqeeyaan, isagoona Carabka ku dhuftay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga guud Gobolka.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa shalay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ku rasaaseeyay duleedka Gaalkacyo, waxaana falkaas ku dhintay laba ruux, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray, falka ayaa salka ku haayay dilal horey u dhacay.

Laamaha Ammaanka oo gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo Dil geystay
To Top