WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo shaacisay waqtiga la qaadayo Imtixaanka Dugsiga Sare

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ee la qaadayo Imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wadatashi dheer kadib la go’aamiyay in Imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 la qaado oo ay Ardayda u fariistaan 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.

Wasaaradda ayaa  ku boorisay, isla markaasna ka rajeyney dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka, sidoo kalena waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana ka dalbatay in ay ardayda ku garab-siiyaan diyaar garowgooda.

“Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

 

Dowladda Somalia oo shaacisay waqtiga la qaadayo Imtixaanka Dugsiga Sare
To Top