WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Maanta weeraray Saldhig ciidan ku yaalla Magaalada Muqdisho

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa arroornimadii hore weeraray Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Weerarka oo ku bilowday Bam gacmeedyo ayaa lagu qaaday saldhiga ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin halka loo yaqaan Baar Jowhar ee xaafadda Suuqa xoolaha, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Dhawaqa rasaasta u dhexeeysa ciidanka Booliska dowladda ee la weeraray iyo ragga hubeysan ayaa laga maqlayey xaafaddo ka tirsan degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Saraakiisha laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war kasoo saarin weerarkaa arroornimadii hore ee saaka rag hubeysan ay ku qaadeen saldhig ciidanka Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha kasii baxaya, waxaana kusoo batay falalka amni darro, sida dilalka qorsheysan, weeraro iyo dhac oo ay dadka shacabka ah u geysanayaan kooxo burcad ah iyo Ciyaal weerada.

Al-Shabaab oo Maanta weeraray Saldhig ciidan ku yaalla Magaalada Muqdisho
To Top