WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo qirtay in dad Rayid ah Duqeymo kula beegsadeen gudaha Somalia

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn ay ka fuliyeen sanadkii hore ee 2022 gudaha Soomaaliya la beegsadeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaan ay maamulaan Al-shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in warbixino laba ah oo ay heleen loogu xaqiijiyay in duqeymo ay fuliyeen diyaaradahooda ku dhaawacmeen dad shacab ah, isla markaana dadka waxyeelada soo gaartay ay joogeen gudaha Somalia.

Mareykanka ayaa tilmaamay in duqeymaha dadka shacabka ah ku waxyeeloobeen ay ka dhaceen Soomaaliya bilihii Septembar 23, 2022 iyo Oct. 1, 2022, Waa warbixintii 12-aad ee qiimeynta khasaaraha rayidka ee saddexdii biloodba mar tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabay inuu soo saaro Abriil 2020.

“Talisku waxa uu sii wadi doonaa ilaalinta badqabka rayidka waxana uu sii wadi doonaa dib u eegista iyo qiimaynta warbixin kasta oo ku saabsan waxyeelada shacabka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Taliska militariga Mareykanka ee Afrika.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka oo qirtay in dad Rayid ah Duqeymo kula beegsadeen gudaha Somalia
To Top