WARARKA SOOMAALI

Senatorada Aqalka Sare oo Maanta Ansixiyay sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta guddoomiyeyay shir ay golahu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha.

Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo Senatorada Aqalka Sare ansixinta Hindise-Sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan ayaa golaha shacabka meelmariyay March 1, 2023 halka golaha Aqalka Sarena ay maanta gudbiyeen, waxaana haray saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

Senatorada Aqalka Sare oo Maanta Ansixiyay sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta
To Top