WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo isaga baxay degaan ay ku sugnaayeen & Ciidanka DF oo la wareegay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaannada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka labi-dulle, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isaga baxay deegaanka deegaanka labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyadka Al-shabaab ay deegaankan isaga baxeen

Howlgalka oo ahaa mid aad u baaxad weyn ayna hoggaaminayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay wehlinsyssn Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa Galmudug ku matala deegaannada howlgalkani ka socdo..

Deegaanada Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana Al-shabaab lagala wareegay deegaano ay kaga sugnaayeen Goboladaas, Ciidanka ayaana la wareegay.

Al-shabaab oo isaga baxay degaan ay ku sugnaayeen & Ciidanka DF oo la wareegay
To Top