WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Xero lala beegsaday

Jugta qarax xoogan ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor laga maqlay qeybo badan oo kamid degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir.

Qaraxa dhacay ayaa waxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku dhex qarxiyey Dhalinyaro dooneysay inay kamid noqdan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa kusoo qul-qulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kalena waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ay furayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dhallinyada isku diyaarinayay in loo qoro Ciidamada xoogga dalka , kuwaas oo lagu baarayay Irida laga galo Warshada Nacnaca.

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Xero lala beegsaday
To Top