WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne

Rag hubeysan ayaa fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku weeraray Guri uu xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo ka aheyd guriga la weeraray oo uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga qeybta 27-aad oo lagu magacaabo Muuse qurux.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay kusoo warrameen in  weerarka uu ku dhintay Nin lagu magacaabi jiray Shire Barre Jiis oo kamid ahaa ilaalada Sarkaalka, isla markaana waxaa ku dhaawacmay weerarka afar qof kale oo isugu jiray shacab iyo Askar Ciidan.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Xarumo Caafimaad si loogu daaweeyo.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa horey uga dhacay falal amni darro sida dilal qorsheysan, qaraxyo Is-miidaamin ah oo  dad badan ku dhinteen iyo weeraro kale oo geysteen rag hubeysan, Al-shabaab ayaa inta badan sheegta falalka ka dhaca halkaas.

Faah faahin: Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne
To Top