WARARKA SOOMAALI

Akhriso Xogta:-Imaaraadka oo Hub uusan ogayn Deni ka dejiyey Puntland iyo xiisad cusub..

Garoowe (HM) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii dambe uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowlad goboleedka Puntland iyo Imaaratka Carabta.

Khilaafka oo markii hore salka ku hayay arrimo la xidhiidha mashaariic labada dhinac u dhexeysa ayaa iminka sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad milateri, taas oo aysan ka war qabin Puntland.

Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanada milateri ugala soo degeen garoon cusub oo aysan horay u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaratku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso.

Saraakiisha ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaratka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradahu sidaan.

Valueimpression Placeholder

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaarsiiyay warka la xidhiidha diyaarada hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Madaxweyne Deni  ayaa saraakiisha faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe.

Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo aysan ka warqabin madaxda Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin Puntland.

Hab dhaqankan cusub ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda maamulka Puntland, kaas oo ah in wada shaqeyn ka dhexeyso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraatka iyo warbixinti ku saabsanayd dilka madaxii shirkada Dp World ee Boosaaso.

Saraakiil ciidan oo aan la hadalnay, waxay aaminsan yihiin saanada milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab.

Maalmo ka hor safarkii uu Madaxweyne Deni uga baxay Puntland ayaa si rasmi ah ugu wajahnaa magaalada Dubai, isaga oo transit ku sii noqday dalka Itoobiya, lamana oga saameynta dhacdadan cusub ay ku yeelan karto safarka Madaxweyne Deni.

Horuadhi News

SOMALI NEWS

To Top