WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Waa Maxay Sababta Muudey u baajiyay Kulankii Jawaari Xildhibaanada kula hadli lahaa?

Waxaa maanta lagu waday in xarunta Golaha Shacabka ku shiraan Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlkamaanka Soomaaliya, kulankan ayaana ajandihiisu la filayay in uu noqdo  hadal jeedinta Gudoomiyihii is casilay ee Jawaari.

Qoraal kasoo baxay Sii hayaha xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiweli Muudey ayaa lagu baajiyay kulankii maanta la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada golaha Shacabka, lamana shaacin ilaa hada sababta uu kulanka u baaqday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gudoomiye Cabdiweli Muudey uusan raali ka aheyn in Jawaari uu kursiga Gudoomiyaha ku fariisto sidoo kale xarunta Golaha shacabka ka jeediyo Khudbad laga yaabo in dhaleeceyn ay ku jirto.

Jawaari ayaa la filayay in uu noqdo Shir gudoonka Golaha Shacabka kuna fariisto kursiga Gudoomiyaha inta uusan Xildhibaanada ka hor jeedin khudbada uu ku shaacinayo is casilaadiisa.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo qeyb weyn ka haaa khilaafkii ka dhax aloosnaa Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa wali diidan in Jawaari uu hortago Golaha Shacabka kuna fariisto kursiga Shir gudoonka .

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa xalay layaab ku noqotay labo fariin oo laga soo kala diray Xafiisyada Jawaari iyo Muudey oo loogu kala sheegay in maanta kulan jiro iyo in uusan kulan jirin.

Jawaari ayaa la filayay in maanta hortago Xildhibaanada golaha Shacabka kana horjeediyo is casilaadiisa, waxaana jiray shaki laga qabo in Jawaari jeediyo khudbad uu ku durayo Madaxda dowlada sidoo kale kalsoonida shacabkana uu ku raadinayo.

Inkastoo uu soo dhamaaday Khilaafkii ka dhax taagnaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kadib is casilaadii Gudoomiye Jawaari ayaa hada wali waxaa sii muuqda raadadkii uu reebay khilaafkii labada garab u kala jabiyay Xildhibaanada golaha Shacabka.

 

SOMALI NEWS

To Top