WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Muuse Biixi oo lagu adkeeyay inuu wada hadalka Dowladda Federaalka sii wado..

Hargeysa (HM) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa golaha amaanka uga warbixiyay safarkii uu bishii hore ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka citiraaf raadiska ah ee Soomaliland.

James Swan ayaa golaha u sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada mudada badan hakadka galay ee maamulka Somaliland iyo Soomaaliya.

Swan ayaa ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi la sii wado si aan loo lumin dadaaladii ay ku bixiyeen xukuumadihii ka horeeyay madaxda talada haysa.

“Waxaan booqday Somaliland 27 ilaa 28kii July ee la soo dhaafay waxaan la yeeshay Madaxda Somaliland wadatashiyo isbarasho ah” ayuu yiri James Swan.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada-hadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore”

SOMALI NEWS

To Top