Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo SL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Cabdi Maxamed Rodol,
Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.