WasiirkaWarfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta oo Axad ah qaatay tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19 ee dhawaan la keenay Magaalada Muqdisho.
Wasiir Dubbe ayaa tallaalka COVID-19 lagu siiyay Isbitaalka Martiini oo lagu daaweyo dadka uu soo rito Cudurka, isla markaana waxaa uu u mahadceliyay Agaasimaha Isbitaalka iyo shaqaalaha ka howlgala halkaas.
Tallaalka COVID-19 ee la keenay Muqdisho ayaa walaac darran laga muujinayay maalmihii lasoo dhaafay oo lagu sheegay inay tallaalka ka jirto khatar Caafimaad, hayeeshee dowladda ayaa beeniyay wararkaas la faafiyay.