Hargeisa ( HM ) Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeisa, Wuxuuna si kulul uga hadlay Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland intii uu Maqnaa.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland lawada leeyahay inaanay maanta jirin, Isagoo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Kulmiye iyo Ucid , Wuxuuna ku tilaamay Shahaadadii dhimashada Diimuqraadiyadda iyo Jiritaanka Somaliland, Wuxuuna sheegay inay tahay Tallaabo Dildilaac ku Keeni karto Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuuna Tusaalle ugu soo qaatay gabaygii Aadan Carab AH “Nin Ambaday Halkuu Aaday way ula Ekoonayd’e, Anigoo Arkaayaan Toggii Eerigoo Maray”.
C.raxmaan Cirro wuxuu Beesha caalamka u sheegay inay diyaar u nahay doorasho, iyo inay miiska wadahadalka Fadhiistaan, Wuxuuna Su’aal iska waydiiyey sida ay Somaliland ula hadli karto DF Soomaaliya, Xili aysan dhexdeeda Wadahadli Karin oo wada socon.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Wuxuu sidoo kale kahadlay Haweenkii dhulkooda lagala wareegay oo dhowaan Muuqaal laga duubay oo Murugo dadka ku Beeray, Muwaadiniin danyar ah lacago badan lagu Xukumay , Saxafiyiin la xidhig iyo dhibaato loo gaystay isagoo Xusay Tifatirihii Bulsho TV oo Misigta laga Jebiyey iyo Cabdimaalik Coldoon oo burco laga soo xidhay.
C.raxmaan Cirro wuxuu sidoo kale ka hadlay doodii dhowaan ay Somaliland ka bilaabeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Axmed Samatar.