WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabkii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dalka Kenya-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho hal maalin qaadan doonta uu ku joogi doono.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka Madaxweynaha oo ku soo aaday, xilli magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah faahin rasmi ka bixin ujeedka safarka Madaxweynaha, inkastoo ku gaabsatay inuu qaadan doono hal maalin oo kaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe wada hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo d Uhuru Kenyatta ay ka wada hadli doonaan arrinta ku aadan darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda, kaasoo gudaha u soo galay qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo, iyadoo ay ka dhasheen dibad baxyo rasbhado watay.

Labada Madaxweyne ayaa horay qadka taleefanka uga wada hadlay, isla markaana isku raacay guddi loo saaro arrinta darbiga, isla markaana la hakiyo.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya murano la xiriira xuduudka Badda iyo Barriga ah, waxaana dacwad ku saabsan Badda ay taallaa Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, waxaana dhowaan war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay beenisay wararka sheegaya in wada hadalo u socdaan labada dal oo ku saabsan kiiska Badda.

SOMALI NEWS

To Top