Dowlada Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay jiijiso tababaradii iyo taageeradii ay siineysay ciidanka Milatariga Soomaaliya, kadib markii meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal u dhaxeeya
Wakaalada wararka u faafisa Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa shaacisay in dowlada Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland .
Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay ka carootay lacagtii ay boorsooyin ku wateren diblumaasiyiin Imaaraatka u dhashay oo dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
HALKAN KA DAAWO V VIDEO
Wakaalada Wararka ee WAM ayaa sheegtay in dowlada Imaaraatka aad uga xumaatay sida ay u dhaqantay dowlada Soomaaliya, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dowlada Imaaraatka tababar siisay in ka badan 2,400 oo askari.
Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa Muqdisho iyo Puntland ku laheyd xeryo ay ku tababarto ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraatka dhaqaale iyo agaba siiyeen ciidamada ay Soomaaliya u tababareen.
Imaaraatka ayaa Soomaaliya kala baxday qeyb kamid ah Saraakiishii tababareesay Ciidanka Kumaandooska Soomaalia, waxa ayna arintan cirka kusii shareertay xiriirka aan wanaagsaneyn ee labada dal u dhaxeeya.