WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Madaxweyinihii hore ee Galmudug oo dhaawacmay..

Gaalkacayo (HM) – Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray madaweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Dhaawaca soo gaadhay madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa la sheegay inuu ahaa shil gaadhi oo ka dhacay Gobolka Mudug sida ay warbaahinta  u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Shirka Gaari ee uu ku dhaawacmay Caalin ayaa la sheegay inuu ka dhacay Deegaanka Gawaan oo u dhaxeeyo Wasil iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin nooca dhaawaca ah ee soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug.

Caalin ayaa horey usoo noqday madaxweynihii Galmudug ka hor inta aan la sameyn maamul Goboleedyada.

Wuxuu hadda kamid ahaa xubnihii ka qeyb galayey shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wixii kusoo kordha xaaladda Caalin waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top