WARARKA SOOMAALI

DAAWO- Qudbaddii M/Weyne Farmaajo ee London iyo Qodobo Yidi-diidoleh oo uu u sheegay shacbiga Soomaliyeed-VIDEO.

adaxwaynaha Soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa Wuxuu ka jeediyey Xaflad Balaadhan oo Wafdigii uu Hogaaminayey loogu Qabtay London.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan rabaa inaan halkan idiinka cadeeyo Soomaali waa midowday, Shacabkeenu waa midoobey, qabiil iyo qurunkiisa waa tuurnay, waxaan rabnaa caawa inaan heshiis halkan ku galno. Anaguna waxaan ka shaqeyn doonaa Midnimo , dowlad wanaagsan, horumar iyo umadd Soomaaliyeed oo walaalo ah, midnimo waa wixii aan kusoo gaarnay 60kii ilaa 91dii , dad sharafleh oo mideysan.

Waxaan anagu balanqaadayna anagoo gacmaha is haysana inaan amnigii Soomaaliya lagu yaqaanay kusoo celino , oo qolada shayaadiinta ah dalka ka saarno , weliba anagoo hore ugu baaqnay inaan magangelyo siino intooda rabta inay ummada kusoo noqdaan. Waxaan balan qaadnay siyaasad mid ah isqabqabsi lahayn oo wada shaqeyn leh laga soo bilaabo madaxweynaha, Raisalwasaaraha, Baarlamaanka iyo sida aad caawa aragtaan Dowladd goboleedyada
Siyaasad talo wadaag leh ayaan caawa idinka balan qaadnay, dastuurka waxaan ka balanqaadnay inuu noqdo mid ka turjumayo rabitaanka shacabka Soomaailyeed , sida maryan mursal sheegtay dalkeena waa qani , midnimo hadaan sameyno wax badan ayaan sameyn karnaa kheyraadka ayaan soo saari karnaa, dadka halkan joogana aad dib ugu soo noqtaan dalkii idinka iyo caruurtiina .

Taasi waxaa uu dalku gaari karaa 4sano ee soo socota waa mudo dheer, waa hadii la wada shaqeeyo, dhaqaalaha iyo kheyraadka dhulka ku jiraa kuli waxaan balan qaadeyna inaan soocelino , oo cid walba oo soomaaliyeed ay qayb ku leedahay.

Walalaayaal si fiican ii dhegaysta idinkaa Dowladda iska leh, hadii dowladda aad rabtaan iany shaqeyso waa in dowladda aad la shaqeysaan, oo ka tagtaan qabyaalada , qofka siyaasiga ah xun , hadaa ragtaan inuu wax maroorinayo oo uu qabiil soo celinayo qabta.”

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top