WARARKA SOOMAALI

Abwaan Shaacir oo karbaashay Faysal Cali Waraabe & Adna Aadan oo xaflad Kiniisad ka qayb galay.

Laascaanood (HM )-Magaalada Hargeisa SIyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa uga Qayb galay Kanaasad ku taalla,  oo horay loo sheegay inay xidhan tahay, Kulan lagu Xusayey ciidamadii ingriiska, kuwaasi oo ku dhintay dagaalkii koobaad ee Adduunka.

Waxaa Xubnaha ka Qayb galay kamid ahaa Faysal Cali Waraabe iyo Adna Aadan,  Iyadoona Sawirro laga soo qaaday oo Khushuuc ay ka muuqato ay dhaliyeen doono xoogan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abwaan Yuusuf Shaacir oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa siwayn u dhaliilay  Masuuliyiinta uu kamid yahay Faysal Waraabe iyo Adna aadan ee kulankan ka qayb galay, Wuxuuna tilmaamay inay tahay wax laga xishoodo.

“Xuskan Gaaladu samaysay waxaa ka Qayb galay dad badan oo Reer Hargeisa ah, waxaan gartay Faysal Cali Waraabe iyo Adna,  Waxay dadku uga hor yimaadeen si wayn, Faysal miyaanu dadkiisa la dareen iyo la diin ahayn,  Madaxwayne wuuu isku sharaxay maantana halkaas ayuu marayaa”.

Adna aadan aad ayaa loo ixtiraamaa, laakiin hadii ay diin noqoto lama ixtiraamayo,   Kama adkaysan karno in horteena waxaas lagu sameeyo.” Ayuu yidhi Shaacir.

Shaacir wuxuu sidoo kale Culimada Waydiiyey Su’aalo la Xidhiidha Arinta  “Marka hore ma banaan tahay in dad gaallo ah lagu aaso dhulka islaamka,   ma banaan tahay In loogu dabaal dego, iyo inay dadka islaamka ah ka qayb galaan iyagoo la Khushuucsan” Ayuu yidhi Shaacir.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top