WARARKA SOOMAALI

Xulka Tanzania oo ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kaddib markii laga badiyay xulka Soomaaliya-Akhriso

Ciyaartan oo aheyd mid xiiso laheyd ayaa 10 kii daqiiqo ee u horeeyay waxaa hakiyay roobab xooggan oo da’ayay, waxaana ku dhowaad nusa saac ay aheyd mid la joojiyay ciyaarta.

Hase ahaatee markii roobka istaagay ayaa garoonka la isku soo laabtay, isla markaana ciyaarta la sii waday, waxaana ciyaartoyda 17-jirada Soomaaliya ay muujiyeen dadaal ay doonayeen inay gool ku dhaliyaan.

Balse daafacyada Tanzania ayaa aad uga feejignaa weerarada ay soo qaadayeen ciyaartoyda Soomaaliya.

Xulka 17-jirada Tanzania ayaa waxaa u suura gashay inay helaan gool, waxaana ciyaarta sidaas ku qabtay hoggaanka Tanzania.

Sidoo kale Tanzania ayaa mar kale dhalisay gool labaad, taasoo rajo dishay ciyaartoyda Soomaaliya.

Laakiin ciyaartoyda Soomaaliya ayaa marna is dhiibin, waxaana ay sameeyeen dadaalo badan, inkastoo aanay nasiibka haleelin.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo gabagabowday 2-0, waxaana sidaas koobkii ku qaaday 17 jirada Tanzania, iyadoo xulka 17-jirada Soomaaliya ay galeen kaalinta labaad.

SOMALI NEWS

To Top