WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo NISA ka dalbatay Warbixin la xiriirta xariga Roobow

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo muddo sanado ah u xiran, kaas oo laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, xilli uu ahaa musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa faray kusimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka in si deg deg ah uu usoo gubdiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale warqadda waxaa lagu sheegay in qoyskiisa ay cabasho ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad, sidaa darteed ay doonayaan inay caddaalad helaan.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xukuumadda oo NISA ka dalbatay Warbixin la xiriirta xariga Roobow
To Top