WARARKA SOOMAALI

Taliska AFRICOM oo soo saaray farriin ku socota Ciidanka Dowladda Somalia

Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay taageerayaan baaqyada Beesha Caalamka ee ku saabsan in la joojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay Ciidamada Soomaaliya inay diiradda saaraan halista amni ee uga imaaneyso kooxaha argagixisada si loo badbaadiyo shacabka, sida laga soo xigtay boggaga Twitter-ka ee AFRICOM.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Maxay intaas kusii dareen Taliska AFRICOM “Waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah,” ayuu lagu yiri hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka”

Hadalka Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa imaanaya, iyadoo Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isu lwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

Taliska AFRICOM oo soo saaray farriin ku socota Ciidanka Dowladda Somalia
To Top