suugaan

Xubno u qaabilsan Al-shabaab dhigista Miinada o gacanta lagu dhigay

Iyada oo la fulinayo amarka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidanka xoogga dalku waxaa ay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka.

Howlgalkii ugu dambeeyey ayay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale iyo kuwa kale waxaana Howlgalkaan oo qaatay saacado badan jab xooggan lagu gaarsiiyey Al-shabaab.

Taliyaha howlgalka Hoggaaminaya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 dagaalame ah kuwaas oo qaalbilsanaa miina galinta waddada udhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa  in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan  argagixisada si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe  taliyaha ciidanka howlgalka fuliyey.

Ciidanka dowladda Fedraalka ayaa dhowr jeer oo horey howlgal ballaaranoo ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

SOMALI NEWS

To Top