WARARKA SOOMAALI

Xog: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo magac Dil ku wada hay’addaha dhismay ee DF

Xogo rasmi ah ayaa xaqiijinaya in Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu xafiiskii qaranka u isticmaalayo mid uu ku u gaarsanayo kuna magac dillo hay’adaha dhismay ee qaran.

Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa horey ugu fashilmay isku day magac dil iyo shirqool ka dhan ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh kaasoo sharciga hortiisa kaga adkaaday.

Hadaba baadhitaan horudhac ah oo warbaahinta Horufadhi Media – HM gacanta ku hayso ayaa muujinaya in Garyaqaanka guud uu uga goleeyahay arrimahan dhawr qodob.

1- Inuu magac, dil, baacsi iyo handadaad ku sameeyo hay’adihii dhismay xiligii Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo si uu u quudareeyo in madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ugu sii hayo jagada xafiiska xeer ilaalinta, kalsooninna uu ka dhiganayo waxan baacsanayaa dadkii Farmaajo magacaabay, taasoo u muuqatay beryihii danbe mid la isku abaal marinayey.

2- Dhaqaalle doon xoogan oo ah tii ay sida weyn iskaga horyimaadeen mudane Bayleh oo ugu danbeyntii iska dhiciyey.

Warbaahinta horufadhi Media ayaa dhawaan ka sameyn doonta Warbixino ficiladan yaabka leh ee Garyaqaanku ku handadayo mas’uuliyiinta, wasiirada, hay’adaha iyo cidkastoo danihiisa shakhsiyadeed ka hortimaadda xili sumcadda dalka Soomaaliya ee dhanka hay’aduhu dhismayaan, balse ay caqabad ku noqon karaan arimaha baadhitaanadda uu ugu soo gambanayo.

Xog: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo magac Dil ku wada hay’addaha dhismay ee DF
To Top