WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada cusub oo Maanta lagu dhawaaqayo & kulan ka socda Villada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta oo talaado ah ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda, kuwaasi oo soo magacaabistooda ku qaadatay muddo dheer.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa soo dhameystiray xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada kamid noqonaya, waxaana Wasiirada lagu wargeliyey inay la magacaabayo loogu yeeray Maanta goorsii horreeysay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Ra’iisul Wasaaraha uu Golihiisa Wasiirada ku dhawaaqo duhurnimada Maanta, waxaana haatan Xarunta Madaxtooyada ka socda kulan u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi Barre.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isla markaana waxaa looga hadlayaa magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo arrimo la xiriira xilka loo magacaabayo wadaadka Mukhtaar Roobow oo muddo u xirnaa dowladda.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda ugu ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow oo dowladdii  hore ugu xirtay arrimo la xiriira Al-shabaab.

Ilo-wareedyo wargal ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Roobow oo horey uga tirsanaa Al-shabaab, balse markii dambe ku dhawaaqay inuu isaga baxay uu kamid noqonayo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada cusub oo Maanta lagu dhawaaqayo & kulan ka socda Villada
To Top