WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- RW Xamse oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo ka kooban 25 Wasiir, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaal.

Xubnaha Wasiirada la Magacaabay ayaa waxaa ay isugu jiraan, Wasiiro hore, kuwo cusub iyo kuwo saaxiibo dhow la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey Liiska magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre soo magacaabay.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warbaahinta u Akhriyey Liiska Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:- RW Xamse oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda
To Top