WARARKA SOOMAALI

Xog dheeraad ah oo ku saabsan Safarka Muqdisho ee Axmed Madoobe iyo Deni-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxwayneyaasha Maamulada Puntland [Siciid Cabdullaahi deni] iyo Jubbaland [Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’] ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaadhaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxaa maalintii shalay Magaalada Muqdisho yimid Wafdi hordhac u ah Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland , Kuwaasi oo ay Qayb ka yihiin Ciidamada ilaalada gaarka ah iyo Masuuliyiin kale.

Maxamed JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Kulan la qaato Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana Arimaha ugu waawayn ee kulanka looga hadli doono ka mid noqon doona Doorashada iyo Xaalada guud ee dalka.

Madaxwayneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan ka Qayb gelin shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug,  Waxayna sidoo kale Qaadaceen go’aanadii kasoo baxay Shirkaasi oo ay ka Qayb geleen Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxda maamulada  Hirshabeelle, Koonfur Galbeed,  Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Waxay sidoo kale shir gaar ah Puntland iyo Jubbaland ku yeesheen magaalada Garoowe, Kadib Cadaadis xoogan oo Beesha caalmku ay saartay , Waxayna markaasi kadib go’aansadeen inay yimaadaan magaalada Muqdisho, oo la kulmaan Madaxweyne Farmaajo  sida ay ku sheegeen War-murtiyeed kasoo baxay shirkoodii Garoowe.

Madaxwayne Farmaajo ayaan weli magacaabin Raysal wasaaraha Cusub ee Bedeli doona Xasan Cali Khayre, waxaana la aaminsan yahay inuu dib ugu dhigay Xeelado Siyaasadeed oo la xidhiidha xaalada dalku uu marayo , ee dhinaca doorashada iyo Weliba sida garabyada kala duwan loogu baahan yahay intaan Go’aan kama dambays ah la gaadhin.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top