WARARKA SOOMAALI

Xog cusub: Farmaajo oo laalay qorsho ay Ethiopia Hub ugu daabuli laheyd Puntland+video

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala dhantaalay qorsho ay dowlada Ethiopia Hub kusiin laheyd maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa qorshahaasi ka warhelay kadib markii ay dowlada Ethiopia Fasax Hub bixin ah weydiisatay Madaxweyne Farmaajo.

Hubkaani ayaa la sheegay inuu ka koobnaa noocyo badan waxa uuna Madaxweynuhu Ethiopia ka dalbaday in wixii caawinaad Hub ah lasoo mariyo DFS.

Warar hoose ayaa sheegaya in Hubkaani la doonaayay in Puntland la gaarsiiyo dabayaaqadii sanatka tagay, haseyeeshee uu hakat ku imaanay iyadoo qorshaha Ethiopia uu ahaa in Hubka si toosa looga dajiyo magaalada Garoowe, inkastoo qorshahaani idin qaadashada ah uu soo baxay wixii ka danbeeyay Heshiiska labada dal ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

Heshiiska labada dal ayaa dhigaaya in dowlada Ethiopi aysan xiriir toosa la sameynkarin Hogaamiyayaasha maamulada Somalia, iyadoo wixii caawinaad ahna ay goobjoog ka noqoneyso DFS.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inaanu aqbali doonin in la garabmaro sharciga u degsan DFS.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah u Hubeyn jirtay Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Ahlusuuna.

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top