WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano Taageersan Jawaari oo ku dhawaaqay in uu jabay Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka-Akhriso

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo caawa ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku dhawaaqay inuu sharci ahaan uu jabay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, kaddib markii ay dhamaatay mudadii 10-ka maalmood ee uu soo jeediyay Aqalka Sare oo ka bilaabaneysay 18 bishan illaa 28 bishan.

Shir jaraa’id oo la qabtay markii kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada u aqriyay qoraal ka soo baxay Xildhibaanada Jaamac Maxamed Askar, isagoo xusay in wixii ka bilowda 28-ka bishan ku ekaa mooshinkii Kalsooni kala noqoshada ee laga keenay Guddoomiye Jawaari uu buray, si waafaqsan qodobka 9aad faqradiisa afaraad ee xeer hoosaadka.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin arrintan khilaafka, inuu mas’uuliyadeeda qaadayo wixii qalalaase iyo burbur ku yimaada hey’adaha dastuuriga, maadaama la diiday sareynta sharciga.

SOMALI NEWS

To Top