WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo Shil khasaaro dhaliyay ku galay Nugaal

Shil sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaanka Xaaji-kheyr ee gobolka Nugaal, shilkaasi ayaa ahaa mid gaari oo ka baxay wadada laamiga ee deegaanka oo uu gaariga ku socdaalayay.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay shilka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, waxaana shilka ku dhintay Xildhibaan lagu magacaabi jiray Cali Axmed Maxamuud, halka uu dhaawacmay Xildhibaan C/qaadir Saalax Cali Guuleed.

Sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo gaariga rogmaday saarnaa, kuwaasi oo iyaguna dhaawacmay, isla markaana waxaa durbadii loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxtooyada Puntland ayaa shilkaasi gaari ka hadashay ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud, halka Caafimaad deg deg ah loo rajeeyay Xildhibaan C/qaadir Saalax Cali oo dhaawacmay.

Marar badan ayaa waxaa sidoo kale deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland uga dhacay shilal geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad mas’uuliyiin ah iyo kuwo shacab ahaa.

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo Shil khasaaro dhaliyay ku galay Nugaal
To Top