WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan lagu toogtay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu Danbeeyay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo watay bastoolado oo xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Seybiyaano ku dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan, waxaana dad ay ku warrameen in la toogtay, xilli uu sii galayay hoyga uu deganaa, isagoo u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare jirkiisa.

Marxuunka ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa durbadii gaaray goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana halkaasi ka qaaday meydka Xildhibaan Ibraabim Cabdi.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilka xildhibaanka oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed, Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan.

Xildhibaan lagu toogtay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu Danbeeyay
To Top