WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano ka soo horjeestay taageeradii Shariif Xasan u muujiyay Isbaheysiga Sacuudiga.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay go’aankii dhowaan ka soo baxay Madaxweynaha Koofur Galbeed ee taageerada loogu muujiyay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray Qatar.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in uusan Madaxweynaha Koofur Galbeed uusan kala tashan go’aanka uu gaaray, isla markaana uu yahay mid uu ku deg degay.

Xildhibaan Cali Xasan Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ku xadgudbay dastuurka isla markaana uu go’aan keligiisa ah iska qaatay.

“Qodobka 49-aad ee Dastuurka JFS waxa uu qoraya in Maamul goboleedyada ay xubin ka yihiin dowladda dhexe sidaas darted awood uma lahan shariif xasan in uu dhaliilo go’aanka dowladda dhexe ay qaadatay” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xasan Cismaan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Maamul goboleedyada looga baahan yahay in go’aanada arrimaha difaaca iyo arrimaha dibadda ay dowladda dhexe uga dambeeyaan oo aysan ka daba hadlin sida uu sheegay.

“Qodobo ka mid ah dastuurka dalka ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay awood u leedahay iney maamusho siyaasadda arrimaha dibadda iyo difaaca ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cali Xasan Cismaan”ayuu yiri

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Maamul goboleedyada aysan awood u laheyn  ka hadalka go’aano dowladda dhexe ay qaadatay oo ay xaq u leedahay.

“Hadii ay maamul goboleedyada awood leeyihiin maxay ugu qeyb geli waayeen shirka New York ka dhacay oo masuuliyiinta DFS keliya ka qeyb galeen, waa sharci in wixii arrimaha dibadda iyo difaaca dowladda dhexe loogu dambeeyo”.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa si wadajir ah ugu baaqay in Madaxweyne Shariif Xasan in uu ilaaliyo dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla, waxaana ay dowladda Federaalka ku amaaneen go’aanka dhex dhexaadnimada ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.

SOMALI NEWS

To Top