WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano cusub oo Maanta ku biiray Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankii 25-aad ee kal fadhigiisa 47-aad ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiye C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Ajendaha kulan Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa dhaalinta xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo horey Madaxweyne Saciid deni u gudbiyey.

Sida uu qabo Dastuurka Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa Golaha Wakiillada lagu hor dheeriyey 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannada.

Magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

1- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)

2- Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax

3- Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase

4- Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac

5- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)

6- Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)

7- Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse

8- Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha kaas oo ka kooban 36 Qodob.

SOMALI NEWS

To Top