WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari oo ugu baaqay inuu is casilo-Akhriso

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo maanta shir ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ugu baaqay Guddoomiye Jawaari inuu is casilo oo xilka ka tago, iyagoo ku eedeeyay inuu xeer hoosaadka ku xadgudubay.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada hoggaaminaya ololaha xil ka qaadista Jawaari ayaa sheegay in mooshinka uu yahay mid sharci ah.

“Guddoomiye Jawaari waxaa kugu naqiinay nin wadani ah inta aad jiid-jiid qarankan gelin laheyd amey ku roon tahay inaad istiqaalada dhiibto oo aad is casisho”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Sheekh Aadan madoobe oo horay u soo noqday Guddoomiye Baarlamaan ayaa ugu baaqay Guddoomiye Jawaari inuu is casilo oo uu banaanka istaago, isagoo xusay in howsha Baarlamaanka uu ka sii shaqeynayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

“Mooshinkan waxaa soo saxiixday 107 Xildhibaan waxay u gudbiyeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hadii mooshin sharci laga keenay, illaa cod looga qaado oo ka guuleysto howsha ma hoggaamin karo, inlee mooshin ayaa ka yaalo”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Jawaari ay u furan tahay inuu sugo codka 184 ee uu ku weyn karo xilkiisa ama uu is casilo sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlay in ciidamo la wareegeen xarunta Golaha shacabka ayuu beeniyay, isagoo sheegay inay warkaas ay wadaan xildhibaanada saaxibada ah oo uu sheegay inay dadka marin habaabinayaan sida uu yiri.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ku kala qeybsan mooshinka Jawaari, iyadoo labada dhinac ay isku heystaan sharciyadda Mooshinkan, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono xaalka.

SOMALI NEWS

To Top