WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Fariimo xalay telefoonada loogu diray Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu beri jiro kulanka baarlamanka oo loogana hadlayo Ajandayaal ay ka mid yihiin saddex ajende ah oo kala ah:-

1- Covid-19

2-U codeyn laba xubnood oo guddiga M/B ee Xuduudaha

3- iyo U codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ka joojiyay kulankan 15 xildhibaan, waxaana mudanayaasha laga joojiyay kulanka ay ku adkeysanayaan inay saaka ka qeybgalayaan kulanka.

Madasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubaland,Puntland,Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ayaa ka digey in Baarlamaanku uu muddo kordhin u sameeyo Madaxweyne Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top