WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan Odawaa oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay u yeedho Safiirka ka fadhiya Imaaraadka..

Wasiirkii hore arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),ayaa ka jawaabay hadalkii Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ee ku aadanaa in Dowladda Soomaliya aanu quseyn Heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera, islamarkaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa lama taabtaan.

Waxa aan dhagaystay waraysigaan oo uu bixiyay maareeyaha shirkada DP World ee Sultan bin Saxiim. Waxa uu yiri nama khuseeyaan waxa ka soo yeeray dowladda dhexe ee Soomalia, Somaliland-na waa dal 28 sano madax banaan.

Markii ay halkaas marayso waxaanu leenahay looma dulqaadan karo ku xadgudubka midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Heshiiskani waxa uu xittaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo dakaddii ay maamulayeen ka qaatay share dhan 31%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.

Xukuumaddu waa in ay talaabooyin qaadaa oo kala ah:

1- In loo yeeraa safiirka UAE u fadhiya Somaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aadan midnimada Somaliya.

2- In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Barbara iyo Bosaaso (maadama aysan ogolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba)

Haddi aysan xukuumaddu qaadin talaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arimaha wax ka ogtahay, kumana filla baaq oo kaliya.

SOMALI NEWS

To Top