WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Sahacabka oo dhintay & Aada Madoobe oo ka hadlay

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal Boorow ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuum Maxamed Mursal uu ku xanuunsanayey Magaalada Muqdisho, isla markaana xanuunkii haayay uu xalay u dhintay, waxaana lagu aasayaa qaruubo ku yaalla magaalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed  Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Sahacabka oo dhintay & Aada Madoobe oo ka hadlay
To Top