WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda CQS iyo Taliska Booliska oo Digniin adag soo saaray

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sid aiyo Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota dadka degan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kadib markii halkaas dilal ay ka dhaceen.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka dowladda ay tallaabo cad ka qaadi doonaan dadkii ku lugta lahaa dilal la xiriiray aanooyin qabiil oo ka dhacay degmada Kaaraan.

Wuxuu sheegay Afhayeenka inay haatan socdaan howlgalo lagu baadi goobayo rag ka tirsan Ciidanka dowladda oo dilal ka geystay Kaaraan, isagoo intaas kusii daray in marnaba aan la aqbali Karin in aanooyin beeleed la isugu dilo magaalada Muqdisho.

Dhamme Ismaciil Salaad ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa isna dhankiisa tilmaamay in gacan adag  lagu soo qaban doono cid kasta oo isku dayda inay falal amni darro ka geysato degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA SADIIQ IYO ISMAACIIL

DAAWO: Maxkamadda CQS iyo Taliska Booliska oo Digniin adag soo saaray
To Top