WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan Daauud Bisinle oo Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay shirkii Jabuuti kan hadlay Xaalada Gobolka Sool-Video

Muqdisho (HM) Xildhibaan Daauud Maxamed Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee deegaan Doorashadiisu tahay Gobolka Sool, ayaa si kulul uga hadlay Shirkii Jabuuti ee Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maamulka Somaliland dhexmaray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu shirkaasi u bixiyey “Shirka kala goynta Soomaaliya”, Wuxuuna Madaxda Dawladda ku eedeeyay inay dadka ka Qayb gelaya shirkaasi u yeedhisay Somaliland, sidoo kalana aysan Warbixin aan Xaqiiq ahayn madasha ka akhriyeen islamarkaana aan laga jawaabin, Wuxuu sidoo kale xusay in dadkii xogta kulamadii hore hayey shirka laga reebay.

Daa’uud Bisinle wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay in Dawladdu ay Naaxiso oo Qodobo danno dhaqaalle ugu jirto goonigoosadka ay u saxeexdo, Sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale Su’aal ka keenay dhibaatada iyo Xiisadaha Colaadeed ee gobolada Sanaag iyo Sool, Wuxuuna Ciidamada Somaliland ku eedeeyay dilalka iyo Qalalaasaha kale ee ka dhaca magaalada Laascaanood.

Xigasho: Kalshaale.com

Xildhibaan Daa,uud.
@Dalsan TV

SOMALI NEWS

To Top