WARARKA SOOMAALI

Xiisad ka taagan degaanka Tukaraq & Somaliland oo Ciidamo gaysay.

Muqdisho (HM)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Xiisada ayaa waxaa ay ka dambeysay, kadib markii Soomaaliland ay degaanka tukaarq geysay Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo lagu xoojiyay Ciidamadii horay u joogay deegaankaas.

Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka tukaraq gaadhay Abaan-duulaha Ciidamada maamulka Somaliland Cabdirisaaq Siciid Bulllaale,waxana uu ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan iska difaacitaanka wax uu ugu yeedhay cadawga Soomaaliland.

Wararka laga helayo degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Soomaaliland oo wata Gaadiidka dagaalka ay dhaq dhaqaqyo Ciidan halkaasi ka wadaan, waxana xusid mudan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay iyana ku sugan yihiin banaanka degaanka Tukaraq.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu dagaal culus ku dhex-maray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys.

Sidoo kale waxaa Ciidamada maamulka weeraro ku ekeeyay dhowr jeer ciidamada la magac baxay Jabhada xoreynta Gobalada SSC oo fadhiisimo ku leh qaybo kamid ah Gobolka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top